Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ay bilaaben diyaarinta Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari ayaa u badan Garabka Isbedel doonka waxaana lasoo sheegayaa in Xildhibaanadaasi lagu uruurinaayo Seddex guri oo Magaalada Muqdisho ay ka degan yihiin Mudanayaal ka tirsan Golaha Wasiirada.
Abaabulka Mooshinka lagu ridaayo Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale la sheegay inay qeyb weyn ka qaadanayaan Madaxda ugu sareysa dalka gaar ahaan Ra’isul wasaare Kheyre oo isagu rumeysan in Jawaari Qabyaalad darteed u hor istaagi karin Golaha Wasiirada.
Xildhibaanada Mooshinka ka wada Jawaari ayaa sidoo kale la sheegay inay aaminsan yihiin in is hortaaga Jawaari uu ku sameynaayo Golaha ay la xiriirto Kuraas kororsi, taa oo caqabad hor leh u abuurtay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Geesta kale, Guddoomiye Jawaari ayaa wali ku adkeysanaaya in Golaha Wasiirada ee uu magacaabay Kheyre ay yihiin kuwo aan xulistooda loo marin nidaamka awood qeybsiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

