Dhageyso Ducaale: Uhuru Kenyatta nin Darood ah Farmaajo-na wuu u sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ka yaabsaday dadka Soomaalida oo dhan kadib markii uu ka dhawaajiyey inuu Uhuru Kenyatta yahay nin Daarood ah.

Wuxuu Mas’uulkaan arrintaan kaga dhawaajiyey qudbad uu u jeediyey dadweyne badan oo isku soo baxay isagoo sheegay inuu   ku faraxsan yahay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu kusoo biiray Beesha Daarood oo hadda ah beesha ku fadhiso xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Ducaale oo la hadlayey dadkaas isugu soo baqay waqooyi bari Kenya ayaa si cod dheer ah u sheegay in Farmaajo laftiisa uu Uhuru waydiiyey inuu yahay nin kasoo jeedo Beesha Daarood.

Sida aad ka maqlo karto codka hooe Ducaale ayaa yiri “Ina Kenyatta horta waa nin daarood ah waa nin absame ah waa nin tolo moge ah, saas ma ogtihiin horta “haa”, dharaar dhaweydna Farmaajo waa weydiiyay wuxuu dhahay Adan Barre wuxuu ku dhahay waxaa tahay Nin Daarood ah ee saas sax ma tahay, Uhuru wuxuu yiri warkaas waa jiraa, Farmaajana wuxuu dhahay Halkaada ka wad Anigana Daarood ayaan ahay”.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka yaabka leh ee uu ka dhawaajiyey Guddoomiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com