Xog: Jawaari oo qaadacay la kulanka xildhibaanada taabacsan Kheyre + Xiisad jirta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ka hor imaaday kullan uu la qaadan lahaa Xildhibaano ka tirsan BFS.

Xildhibaanada uu Jawaari qaadacay la kullankooda ayaa la sheegay inay ka socdeen dhanka Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.

Xildhibaanadaani ayaa la xaqiijiyay inay ahaayen kuwo xal u raadinaayey Muran Siyaasadeedka ka dhextaagan Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha.

Jawaari oo markii hore la ballansanaa Xildhibaanada ayaa dib u baajiyay kadib markii uu ka warhelay in Xildhibaanada laga soo diray Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre.

Ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga soo xigtay in Jawaari uu ku andacooday inuu yahay mid mashquul badan isla markaana uusan wakhti heli doonin ilaa maalinta Arbacada ee fooda nagu soo heyso.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiye Jawaar ayaa xiisad ku xeeran arrimaha Golaha Wasiirada kala dhexeysaa Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uuna Guddoomiyaha ku doodayaa in laba Kursi oo miisaan leh lasiiyo labada Ruux oo saaxiib dhow la ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com