Xildhibaano sheegay in Jawaari uu dastuurka qaranka ugu tuntay hal arrin darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu caqabad ku yahay hanaanka Siyaasada DFS.

Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in Jawaari uu ku dhaqmaayo Qabyaalad qaawan, waxa uuna tilmaamay inuu ka shaqeynaayo hor istaaga Golaha Wasiirada, isaga oo dantiisa shaqsiyeed eeganaya.

Xildhibaan Cismaan ayaa Jawaari ku eedeeyay inuu wado abaabul ka dhan ah Xukuumadda cusub ee Somalia, waxa uuna dhankiisa ka sheegay inaanu jirin sharci ka hor imaankara Hanaanka awood qeybsiga Golaha Wasiirada.

Waxa uu sheegay Jawaari inuu doonaayay qaar ka mid ah saaxiibadiisa gaarka ah inay ka soo dhex muuqdaan Golaha Wasiirada cusub ee Somaliya, balse taasi aysan dhicin.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in Jawaari uu qaadi doono Mas’uuliyada Xasarada ka dhex oogan Xildhibaanada iyo qofkii dalka gaajo ugu dhinta, maadaama iyadoo abaar ay jirto Xukuumadii la soo dhisay uu diiday.

Sidoo kale, Xildhibaan Cismaan wuxuu ugu baaqay Gudoomiye Jawaari inuu dhinac ka raaco Xukuumadda cusub oo taageero u muujiyo.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaaya xili ay madaxa isugu jiraan labada mas’uul ee ugu sareysa dalka iyo Guddoomiye Jawaari oo xilal doon ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com