23.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

XOG: Mooshinka RW Saacid waxaa ku jira magacyada xildhibaanno laga been abuurtay iyo kuwa doonaya wasiirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa noo xaqiijiyay in uu jiro muran iyo ismaan dhaaf la xiriira mooshinka laga keenay RW Saacid ee maanta oo loo qaybiyay mudanayaasha baarlamaanka.

Waxaa la ogaaday in qaar badan oo ah xildhibaannada saxiixay mooshinka in laga been abuurtay.

Yaa arrintaas sameeyay?

Sida uu saxaafadda u sheegay markii uu soo dhammaaday kulankii maanta, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, wuxuu caddeeyay in mudanayaasha hor boodaya mooshinka qaar kood ay doonayaan in ay wasiir ka noqdaan xukuumadda cusub.

Xildhibaanna ayaa caddeeyay in xildhibaanadda qaar laga been abuurtay, oo waxaa taas caddeen u ah ayuu yiri, maxaa loo waayay magacyada 168-mudane ee la sheegay in ay mooshinka ka keeneen Raysal Wasaaraha.

“Anniga iyo xildhibaanno badan waxaa shaki nooga jira mooshinkan, waayo waxaan ahayn dhexdhexaad oo waxaan dooneynaa in la dhammeeyo khilaafka, balse waxaa soo baxaya in ay jiraan xildhibaanno doonaya in ay wasiiro noqdaan iyo kuwa laga been abuurtay” ayuu yiri xildhibaann Jeesow.

Marka laga soo tago hadalka xildhibaanka, waxaa la isweeydiiyay sababta keentay in la waayo hal magac xittaa oo ka mid ah 168-mudane ee sheegay in mooshinka ka keenay Raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Siddoo kale , waxaa jirta in saxaafadda madaxa banaan loo diidday kulanka in ay goobjoog ka noqdaan fadhiggii maanta.

Magaalada waxaa caawa ilaa galabta ka socday kulamo xasaasi oo ay lee yihiin xildhibaanadda kala taageersan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, waxaana kulamadaas lagala socday Villa Soomaaliya oo ay isla joogaan labada mas’uul ee dalka ugu sareeya.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa muujinaya in guddoomiyaha golaha baarlamaanka uu laali doono mooshinkan la doonayo in lagu rido xukuumadda ra’iisal wasaare Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News