Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar ka tirsan Xildhibaanada dowladda Soomaaliya ayaa waday ololo ay isugu diyaarinayeen mooshin laga keenayo xukuumadda Kheyre marka uu furmo kala fadhiga koowaad ee Baarlamaanka, waxaana hadda soo baxayo warar kala duwan oo arrintaas ku saabsan.
Caasimada Online oo xiriir hoose la sameysay qaar ka tirsan Xildhibanada Dowladda Soomaaliya ayaa heshay xog ku saabsan in Xildhibaanadii waday mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumadda Kheyre hadda la qanciyey isla markaasna loo sameeyey ballan qaad.
Wararka ayaa tilmaamayo in dowladda Soomaaliya ay sameysay dadaal dheer oo ay uga hortageyso arrintaas, waxaana la kala qeybiyey xildhibaanadii mooshinka waday oo ahaa ku dhawaad 130 Xildhibaan, waxaa qaar lagu xaliyey lacag loo ballan qaaday halka kuwa kalana lagu qanciyey in isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha Wasiirada.
Xildhibaanada Mooshinka waday ayaa Ra’isulwasaare Kheyre cadaadis ku saaray inuu isku shaadheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada, maadaama uu arrintaas u ballan qaaday xilligii uu codka kalsoonida u raadinayey golihiisa wasiirada.
Midda cadaadiska ku badisay Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ah markii ay Xildhibaano dhawr ah ku dhawaaqeen madal ay ugu magac dareyn (HORUSOCOD), waxayna midaas geysinimo siisay xildhibaano kale oo doonayey inay kasoo muuqdaan golaha Wasiirada.
Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa looga fadhiyaa qaabka uu uga badbaadi karo cadaadiska saaran, welina si rasmi ah looma ogaan go’aankiisa ku aadan xildhibaanadaan ku qasbayo inuu isku shaandheyn sameeyo.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

