25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Mucaaradka Soomaaliya iyo beesha caalamka oo yeelanaya kulan xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la filayaa in maanta kulan xasaasi ah ay la yeeshaan wakiilada beesha caalamka, iyaga oo kala hadli doono xaaladda cakiran ee dalka.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in mucaaradka ay si gaar ah beesha caalamka u gala hadli doonaan fashilka ku yimid wada-hadalladii ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh oo burburay, kadib markii ay labada dhinac ku gaari waayeen wax is faham ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qorshaha mucaaradka ayaa ah in wakiilada ay la kulmi doonaan ay kala hadli doonaan tabashada ay weli ka qabaan cutubka 4-aad ee Dastuurka oo ay isku mari waayeen Madasha Samatabixinta iyo hoggaanka Villa Somalia, taas oo keentay in natiijo la’aan ay soo dhammaadeen wada-hadallo la’isla gaaray illaa 5 wareeg.

Kulankan ayaa la fiayaa in dhinacyadu uga wada-hadlaan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda guud ee dalka, iskuna soo dhawaan lahaayeen dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Wakiillada beesha caalamka ayaa dhawaan baaq furan u diray dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyaga oo ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda dhexdooda ah, si looga fogaado wax weliba oo keeni kara dib u dhaca dalka.

Mucaaradka ayaa haatan sii xoojinayo dhaq-dhaqaaqiisa, waxaana soo dhammaaday kulamo gooni gooni ah oo dhexdooda ay yeesheen, iyaga oo kasoo saaray bayaan culus oo ay uga horyimadeen qorshaha uu damacsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“9-ka bilood ee ka harsan muddo xileedka Madaxweynaha waa in xal laga gaaro doorasho toos ah oo loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay, dalkana u hoggaamisa qof iyo cod.” ayaa lagu yiri bayaankii u dambeeyay ee ay soo saareen xubnaha Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo Madasha ay ku baaqday in dedeg loo joojiyo colaadda ay dowladu dalka ka hurrinayso, gaar ahaan gobolka Gedo. Sidoo kalena waxay Madaxweynaha ugu baaqday inuu hakiyo arrimaha dhulka danta guud ee dhalisay xasillooni darrida.

- Advertisement -

Read more

Local News