Xog: Mucaaradka oo guul horudhac ah ka gaaray qabashada doorashada guddoonka baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in doorashada Guddoonka Baarlamanka lagu qaban doono teendhada Afisyooni ee gudaha Xalane.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, tallaabadan ayaa ka danbeysay culeysyo ka imanayay kooxo isbiirsaday oo shar u arkay in lagu qabto xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Kooxaha mucaaradka oo taageero ka helayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guuleystay rabitaankooda ah in teendhada Afisyooni lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

Mucaaradka ayaa sabab ugu dhigay in amaan daro iyo hoobiyeyaashii kusoo dhacay Villa Hargeysa iyo sidoo kale warar ay mucaaradka baahiyeen oo sheegayay in rasaas lala dhacay qaboojiyihii ku rakibnaa hoolka baarlamaanka ee Villa Hargeysa, sidaasi darteedna aysan amni aheyn goobtaasi.

Villa Hargeysa ayaa ku dhex taal gudaha xarunta Madaxtooyadda, waxayna mucaaradka ay u arkaan mid halis iyo in Villa Somalia ay saameyn xooggan. ku yeelan karto xildhibaanada codeynaya

Taliska howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa qoraal uu dhankiisa soo saaray ku sheegay in bandow lagu soo rogay xerada Xalane maalmaha 26-ka iyo 27-ka bisha oo ah maalmaha ay dhacayaan doorashada guddoonka baarlamaanka labadiisa aqal iyo kuxigeenadiisa.

Go’aankaan ayey ATMIS ku sheegtay inay la tashi kala sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka. Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Somalia.