Doorashooyinkii Ceelwaaq iyo Garbahaarey: Kursi ay ku soo baxeen labo walaalo ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin aad loola yaabay ayey noqotay markii doorashooyinkii ka dhacay gobolka Gedo ay kusoo baxeen labo qof oo walaalo ah, kuwaasoo hal kursi u tartamay. 

Aamino Xuseen Cali iyo Nuur Xuseen Cali ayaa labadooda u tartamay kuriga HOP087, labadoodana waxay iska soo kala sharxeen magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey, oo lagu kala qabtay doorashooyin iska soo horjeeda.

Doorashadii ka dhacday Ceelwaaq ee maamulka Axmed Madoobe iyo guddiga doorashada heer federaal ee FEIT ay qabteen ayaa waxaa kusoo baxday Aamino Xuseen Cali, halka doorashadii kale ee Garbahaareey ka dhacday uu kusoo baxay Aamino walaalkeed Nuur Xuseen Cali. 

Kursigaan oo qoondo ahaan u heshay jufada Gasaargude ee beesha Raxanweyn ayaa tilmaam cad ka bixinaya muranka iyo khilaafka xalka loo waayay ee 16 kursi ee gobolka Gedo.

Si kastaba, waxay u badan tahay in kursiga Aamina uu noqdo midka aqoonsiga heli doona, inkasta oo weli aysan hubneyn, maadaama ay garab taagan yihiin Jubaland, guddiga doorashada FEIT iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Rooble ayaa Sabtidii bogaadiyey dhameystirka doorashadii magaalada Ceelwaaq, isaga qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo.”

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.” 

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in Rooble uu guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq.