Xog muhiim ah: Kulankii dhex maray R/W Kheyre iyo Abiy Ahmed + Sawirro

Addis Ababa (Caasimada Online)– Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo maalintii labaad booqashi ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay dhigiisa Abiye Ahmed. waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo xiriirka labada dal quseeya.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa si qoto dheer ugu hadlay xaalada labada, isbadalada siyaasadeed iyo xiriirka Somalia iyo Itoobiya, gaar ahaan arrimaha amaanka, dhaqaalaha iyo isu socodka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa waxaa kulanka ku wehliyay wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda iyo Safiirka Somalia ee Addis Ababa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro qodobo kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen balse uusan shaacin Xafiiska Kheyre, Qodobadaas waxaa kamid ah; heshiska DP World ay la gashay Somaliland oo 19% ay ku leedahay Itoobiya, Arinta Imaaraatka iyo Xiriirka Itoobiya ee maamul Goboleedyada iyagoon soo marin Dowladda Dhexe.Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kulankii uu la yeeasay Abiye Ahmed uu ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay oo ay uga hadleen xiriirka labada dal iyo danaha ka dhaxeeya.

“Waxay labada dhinac isla qireen sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo labada shacab” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr jeer tagay Itoobiya, balse safarkan waa markiisii u horeeyay tan iyo markii bishii April la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr. Abiye Ahmed .Kheyre, waxaa Itoobiya uga sii horeeyay Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo gogol xaar u ahaa socdaalka Xasan Cali Kheyre, Itoobiya ayaa galaangal soo jireen ah ku leh xaalada guud ee dalka, waxeyna ciidmaadeeda oo ka tirsan Amisom ku sugan yihiin magaalooyinka Baydhabo, Baardheere Baladweyn iyo Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com