25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Musharaxiin lacag dollar been abuur ah lasoo galay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa soo baxaaya in Musharaxiinta qaar ay magaalada soo galsheen lacago dollar been abuur ah.

Lacagaha dollarka ee been abuurka ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemaayay Seddexdii maalin ee ugu danbeysay, waxaana la xaqiijiyay in lacagtaasi ay magaalada lasoo galeen Musharaxiinta qaar ka mid ah.

Lacagaha been abuurka ah ee iminka soo galay magaalada Muqdisho, ayaa la tilmaamay in waxbadan ay ka duwan tahay lacagaha saxda ah, waxaana laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde, ayadoo la doonayo in la siiyo xildhibaanada lacag doonka ah.

Sheekh Nuur Abuukar oo kamid ah Sariflayaasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in labadii maalin ee ugu danbeysay loo keenay lacago dollar madow ah, waxa uuna ka digay in la sahalsado lacagahaasi.

Sheekh Nuur, waxa uu intaa ku daray xitaa in Shirkadaha qaar ay qaati ka taagan yihiin lacagaha been abuurka ah.

“Anigoo wada lacago dollar ah ayaan waxaan gaaray Xawaalada Dahabshiil, waxaan doonaayay in canug aan dhalay u diro lacag, ayaa waxaa leyga diiday in leyga qabto lacagta waxaana leygu wargaliyay inay soo bateen lacagaha dollarka faalsada ah”

Tuhunka ugu badan ee lacagahaasi ayaa waxaa lala xiriirinayaa Musharaxiinta Asbuucyadii ugu danbeeyay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ayna ujeedka lacagtaasi tahay mid lagu indha sarcaadinaayo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News