Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in qaar ka mid ragga isku soo tagay xulka raysal wasaaraha Soomaaliya ay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Raggan ayaa mid kasta wuxuu billaabay kulamo iyo olole uu ku doonayo xilka raysal wasaaraha, waxaana caawa meelo kala duwan ay ku qabteen casho sharraf ay u sameeyeen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.
Ragga Muqdisho soo gaaray ee doonaya xilka raysal wasaaraha waxaa ka mid ah, Maxamed Sheekh Cali “Doodisho” ,Maxamuud Xaaji Xasan, Abwaanka kooxda qeylo dhaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel iyo Maxamed Cabdi.
Doodi disho waa aqoon yahan la soo shaqeeyay QM sidoo kale waxa ay xiriir dhow lee yihiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiiru dowlaha madaxtooyda Faarax Cabduqaadir.
Raggan ayaa la sheegay in uu ugu cad cad yahay Maxamuud Xaaji Xasan oo muddo 25-sanno ku noolaa dalka Maraykanka waa gaancsade isla markaana siyaasi ah.
Wuxuu caawa casho sharraf uu ugu sameeyay meel ku dhow Villa Somalia, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kuwaasoo uu ka codsaday in ay ku taageeraan siddii madaxweynaha uu ugu magacaabi lagaa xilka raysal wasaaraha.
Siyaasigan ayaa ka soo jeeda deegannada Puntland, wuxuuna sheegay haddii uu ku guuleesto in uu isku soo dhaweyn doono madaxda dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xaley ka hadlayay xaflad lagu soo dhaweynayay xildhibaannada kalsoonida kala laabtay raysal wasaare Saacid iyo golaha wasiiradiisa ayuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo magacaabi doono raysal wasaaraha cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho