Xog: Muuse Biixi iyo Saylici oo dejiyey qorshe culus oo ku saabsan doorashada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa qorshe cusub oo ay ku wajahayaan doorashada madaxtinimada Somaliland oo aan waqtigeeda la gaadhin, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka ag dhow labada Mas’uul.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Biixi iyo Saylici ayaa ku heshiiyay qorshe cusub oo ay uga dan leeyihiin inay ku wiiqaan awooda musharaxiin hore u shaaciyay inay u taagan yihiin Guddoomiye-nimada xisbiga talada haya ee Kulmiye, taasi oo micnaheedu yahay inay xilka madaxtinimo xisbiga dhexdiisa uga sharaxan yihiin xubnahaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ugu horeyntii uu qorshahan kasoo fulay, isaga oo uu ku raacay fulintiisa Madaxweyne ku-xigeenku, midaasi oo si dhowna u soo shaac baxday dhowaan, xili uu Saylici shaaciyay inuu u tartamayo xilka Madaxweyne, midaasi oo ka dhigan inuu ku soo biiray loolan adag oo uu Biixi gacan ka siinayo, isla markaana uu ku rabo inuu ku noqdo Musharaxa Kulmiye ee madaxtinimada.

Muuse Biixi ayaa ka cabsi qaba in xubno adag oo ay ku kala aragti duwan yihiin maamulka ay ku guuleystaan tartanka xisbiga Kulmiye dhexdiisa, taasi oo dhalisay in uu ku dagaal galo Madaxweyne ku-xigeenkiisa, oo isagu muddo labo doorashaba ku guuleystay xilka madaxweyne ku-xigeen.

Saylici ayaa hore loogu tirin jiray dadka siyaasada ka fadhiisan doona marka uu muddo xileedkiisu dhamaado, inkasta oo ay u muuqato in qorshaha Muuse Biixi uu galiyay han uusan fileyn inuu u dagaalamo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdiraxmaan Saylici ayaa la kulmi doona dagaal adag oo uu ku garab-siinayo Madaxweynaha Somaliland, oo aaminsan in ay Saylici isku aragti iyo mab’da ka yihiin siyaasada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa talaabadan ku wajahi doona colaadin iyo dagaal hor leh, maadama Siyaasiyiin la sheego inay ka meeqaam culus yihiin Saylici ay isaga hor imaan doonaan loolanka ka istaadhmi doona gudaha xisbiga Kulmiye, walow aan la saadaalin karin sida ay wax noqon doonaan.

Waxaana la filayaa in bisha Lixaad ee sanadkan uu dhici doono shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kaasi oo la filayo in lagu kala reebo Musharaxiin culus oo u tartameysa, oo uu kamid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo uu dabada ka riixayo Muuse Biixi.