Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jowhar ka socda diyaar garowga doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ay ku leedahay maamulka Hirshabeelle oo tiradoodu gaareyso 8 Senatoor.
Guddiga Doorashada heer Goboleed ee maamulka Hirshabeelle ayaa shalay bilaabay qabashada liisaska musharixiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xubnahan ay soo magacaabeyso maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka.
Musharixiinta Aqalka sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa wararku sheegayaan inay qaarkood hore loo diayariay intii aan la dooran madaxda maamulka Hirshabeelle, waxaana kadib shirar dhowr ah ee Muqdisho ku dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cali C/llaahi Cosoble.
Xubnaha Liiska musharixiinta aqalka sare ee Hirshabeelle ee hordhac ahaanta loo helay waxaa ka mida: Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Xuseen Raage, Prof. Cusmaan Dufle, Jen. Dhegacaleen, Sahra Abdi iyo xubno kale oo weli beelaha loo qoondeeyay ay isku heystaan.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in musharixiinta Aqalka sare ay ku qulqulayaan magaaladaasi si ay isu diiwaan geliyaan, waxaana la filayaa inuu dib u dhac ku yimaado shaacinta liisaska.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

