26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: Muxuu ahaa ujeedkii Xasan Sheekh u tagay dalka Suudaan? Imisaa lacag ah ayaase lagu….

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safar uu dhawaantan ku tagey Madaxweynaha JFS oo aay wehliyaan Wasiirka Ariimaha Gudaha iyo Taliyaha Nabadsugidda ayaa waxaa aay Caasimada Online heshay xog ku saabsan ujeedkii safarka.

Safarkan ayuu madaxweynaha horay u watay lix (6) ka mid ah ardaydii wax kusoo baratay dalka Suudaan, taasoo ujeedka uu kalahaa aay ahayd in uu tusiyo in ardaydii Suudaan aay hadda ka mid yihiin madaxda qaranka Soomaaliya. Isagoo mar uu ka hadlayay madaxweynaha Jaamacad ku taal magaalada Khartuum uu arrinkaas ka dhawaajiyay.

Inta badan dhammaan wasaaradaha iyo maamulka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka howl gala arday wax ku soo baratay Suudaan.

Haddaba waxaa safarkaas si deg-deg ah dalka ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Odowaa iyo Tuuryare oo wada lacag dhan $1 Milyan oo doollar, waxaa aayna magaalada Muqdisho ku sugnaayeen afar (4) Saacadood intii aanay diyaarad kale oo kiro ah u qaadan magaalada Jowhar oo aay geeyeen adduun dhan $500.000 dollar, taasoo lagu bixin doono laaluushka oday dhaqameedyada iyo xildhaibaanada aay rabaan kooxda Madaxweynaha in aay ka mid noqdaan baarlabaanka Sh. Dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa la rumeysan yahay in uu fashil xoog leh ku yimid maamul u sameynta Sh. Dhexe iyo Hiiraan kaddib markii uu madaxweynaha ka dhaga adeeygay talooyinka shacabka labada gobol iyo tii beesha caalamka, taas ayaana keentay in uu qarash uga raadiyo Cumar Al-Bashiirka dalka Suudaan.

Odowaa oo ku sugnaa saacado magaalada Jowhar ayaa ka soo tegay isla subaxii danbana u anba baxay shirka laba geesoodka ahaa ee Soomaaliya iyo Soomaliland, kaasoo lagu wado in uu ka dhaco magaalada Istanbuul. Lama oga in Soomaaliland aay aqbali doonto in aay la fariistaan dhallinyaro aanan xog ogaal u ahayn muhiimadda shirka iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News