Istanbul (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhawaan mar kale uu ka furmo magaalada Istanbull ee dalka Turkiga shirkii laba geesoodka ahaa ee u dhexeeyay wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Caasimada Online ayaa heshay liiska shaqsiyaadka loo soo diray in aay shirkaas u matalaad dowladda Soomaaliya, liiskaas oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha JFS.
Haddaba dad noocee ah ayuu madaxweynaha JFS u soo wakiishtay in aay ka qeyb galaan wada xaajoodka labada gees ee Soomaaliya iyo Soomaaliland. Maxaay tahay ujeedka ka danbeeya in shir sidan muhiim u ah in loo soo diro shaqsiyaad aan aqaan durugsan iyo waayo aragnimo toona u lahayn in aay mataalaan ilaalinta midnimada dalka Soomaaliya.

Sida ku cad liiska ayaa waxaa Madaxweynaha JFS soo wakiishtay.
1. Yusuf Garaad Cumar (Saxaafi)
2. Cabdirahman Odowaa (Wasiirka Arrimaha Gudaha).
3. Xuseen Iidow (Wasiirka Madaxtooyada GalMudug) Waa nin dhallinyaro ah kana mid ah dadkii wax ku soo bartay dalka Suudaan, aqoon iyo waayo aragnimana u lahayn siyaasadda Soomaaliya.
Haddaba muxuu ujeedka Xasan Sheekh? Ma waxaa uu rabaa in uu sii kala fogeeyo midnimadii Soomaaliya? Door intee la eg ayey Itoobiya ku leedahay arrintan?
Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
[email protected]

