Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen manta degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Dilka ayaa waxaa loo geystay labo ruux oo la sheegay iney la socdeen gaari raaxo ah, waxaana kooxaha dilka geystay oo watay gari SURF ah ay toogtay ruux darawal ahaa iyo ruux kale oo gaariga raaxada saarnaa, kuwaasi oo ku naf waayay degmada Boondheere.
Dilkaasi kadib ayaa kooxaha hubeysan waxay isku dayeen iney ka baxsadeen halkii falka dilka ay ka geysteen ee degmada Boondheere, balse waxaa la sheegay inuu qarxay gaari ay la socdeen.
Laamaha amaanka ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay la socdeen gaariga SURF ayna u carareen dhanka degmada Yaaqshiid, laakiin waxaa la toogtay mid kamid ah kooxaha dilka ka dambeeyay.
Dilka markii uu dhacay kadib ayaa waxaa qarax uu ka dhacay gaariga ay wateen kooxaha dilka geystay, waxaana uu sababay qaraxaasi dhimashada seddex ruux oo ku sugnaa halka qaraxa uu ka dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

