25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog: Muxuu Gaas kala hadlay xildhibaanada cusub ee Puntland ee Muqdisho jooga?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada Cusub ee lagu doortay magaalada Garoowe.

C/wali Gaas, ayaa Xildhibaanada xog ka siiyay halka ay Madashu wax marineyso iyo Wakhtiyada loo dib dhigay Doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

C/wali Gaas ayaa intaa kadib Xildhibaanada ka dhageystay waxa kusoo kordhay inta ay joogan magaalada Muqdisho, waxa ayna cadeeyen in kulamo gaar gaara ay la qaaten Musharaxiinta qaar.

C/wali Gaas ayaa Xildhibaanada uga digay inay fuliyaan Codsiga kasoo baxay kulamada ay la qaaten Musharaxiinta Madaxtinimo doonka ah.

Gaas waxa uu sheegay in Codadkooda loo baahan yahay xiliga la joogo, waxa uuna ku baaqay in codkooda ay siiyan cida loogu tallo galay.

Gaas ayaa sidoo kale Xildhibaanada ku canaantay inay yareeyan kulamada ay qabanayaan Musharaxiinta si buu yiri looga gaashaanto codsiyada imaankara.

C/wali Gaas ayaa Xildhibaanada u ballanqaaday inuu gaarsiin doono maqaam wanaagsan, waxa uuna ku celcelshay in codkooda lagu bixin doono halkii loogu tallo galay.

Haddalka C/wali Gaas ayaa imaanaya xili maamulka Puntland ay taageero gaara u muujinayaan ilaa 3 Musharax.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News