Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda soo dhammaaday shirkii u dhexeeyay guddiyadii ka socday madaxda Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo ka wada-hadlayey ajendaha shirka la qorsheynayo in berri Villa Somalia ay ku yeeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha Madasha Samatabixinta.
Sidii aan horay u baahinay, shirka hadda soo dhammaaday waxaa isugu yimid lix xubnood oo kala metelayey dhinacyada, waxayna ka wada-hadleen mowqifyada mid kasta iyo waxyaabaha ay tahay in qolo walba ay aqbasho.
Xubnaha ka socday dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay la wadaageen xubnaha ka socday dhanka Mucaaradka qodobada ay Xukuumaddu ka tanaasuli karto iyo mowqifka uga degsan qodobada qaar ee doorashada quseeya, kuwaas oo ku jira afarta cutub ee dastuurka oo Mucaaradku ay dood adag ka qabaan.
Sida ay sheegayaan wararka laga helay kulankaas, xubnaha mucaaradka ayaa isku aragti ka noqon waayay qorshaha kama-dambeysta ah ee ajendaha shirka Villa Somalia ay berri la tagayaan.
Xubnaha metelaya Dowladda Federaalka ayaa intii kulanku socday soo jeediyey in waqti kale la siiyo oo la isku soo laabto, iyadoo dib loo dhigayo shirka berri oo ballan kale uu qabanayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hase yeeshee, xubnaha kale ee mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee madasha iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in berri ay tahay maalinkii ugu dambeysay, oo aysan jiri karin fursad kale oo la siinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Intii kulankii caawa uu socday mararka qaar doodaha ayaa adkaaday, iyadoo doodaha qaar ee mucaaradka ay muujinayaan sida uu u adag yahay ajendaha shirka berri ay isugu imaanayaan Xasan Sheekh iyo mucaaradka.
Ma jiro baaqasho la sheegay oo ku timid shirka berri lagu ballansan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kale la yeesho mucaaradka, iyadoo qodobada ugu adag ee miiska saaran uu ugu horreeyo dastuurka, gaar ahaan afartii cutub ee wax ka beddelka lagu sameeyey.