Addis-Ababa(Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa kulan qarsoodi ah magaalada Addis Ababa kula qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Ethiopia.
Socdaalka Cumar C/rashiid oo aan horay loo shaacin ayaa waxaa la sheegay in kulamo kala duwan uu la qaatay Mas’uuliyiin dhowr ah, kaasi oo ka dhacay dhismaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Ethiopia.
Mas’uuliyiinta uu Ra’isul wasaare Cumar la kulmay ayaa waxaa kamid ah Wasiirka cusub ee Arrimaha dibada Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.
Sharmaarke iyo Workneh Gebeyehu, ayaa ka wada hadlay Arimaha doorashada Somalia, waxaana la soo warinayaa in Sharmaarke uu macluumaad badan ka bixiyay qorshaha doorashada Xasan Sheekh.
Sharmaarke ayaa Mr Workneh Gebeyehu u sheegay in Xasan Sheekh uu awood ku maquuninaayo Guddiyada Doorashooyinka dadban, isagoo iminka xushay inta badan Xildhibaanada dooran lahaa.
Sharmaarke waxa uu sidoo kale, Workneh Gebeyehu u cadeeyay inaanu doorashada wakhtigeeda ku dhici doonin, waxa uuna u badiyay in kama danbeys ay dhici doonto Bisha nagu soo fool leh.
Sidoo kale, Sharmaarke ayaa Workneh Gebeyehu ka dalbaday in laga garabsiiyo Doorashada si uu usoo baxo, waxa uuna Wasiirka u ballanqaaday inuu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya Ethiopia.
Workneh Gebeyehu, ayaa dhankiisa ka sheegay in Ethiopia ay Somalia ka taageeri doonto arrimaha Doorashooyinka isla markaana sii wadi doonto taageerada dhanka amniga ah ee ay la garab taagantahay Somalia.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay in inta badan mushkiladaha ka jira Somalia loo baahan yahay in Soomaalidu dhexdeeda xalisato.
Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]