Xog: Nin uu si beeleed kusoo magacaabay CC oo muran ka dhaliyey wasaaradda maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran dhinaca maamulka ah ayaa hareeyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya kadib markii xoghaye joogto ah uu wasaaradda ku soo biiray.

Xoghayahan oo uu dhowaan ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid si qarsoodi ah u magacaabay (Halkan ka aqri), iskuna beel yihiin ayaa dalbaday in lagu wareejiyo howlaha maamulka iyo saxiixa Wasaaradda, waxaana arrintan ka biyo diiday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Aamina Cumar.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Aamina Cumar ayaa ku doodeysa inuu soo magacaabay Madaxweyne oo aysan hoos tegeynin xoghaye uu soo magacaabay Ra’iisal wasaare, waxayna arrintan keentay in howlihii wasaaradda ay jaha wareer galaan.

Arrintan ayaa loo arkaa qorshe ay Cumar Cabdirashiid iyo xoghayaha cusub isla ogyihiin, lana doonayo in lacag lagu boobo.

Is-mari waagan ayaa laga dareemay xafiisyada wasaaradda Maaliyadda xilligan kala guurka ah, iyadoo aan weli xal loo helin arrintan oo uu soo kordhiyay Ra’iisal wasaaraha.

Waxay kusoo beegmeysaa arrintan iyadoo ay taagan tahay fadeexada lacagtii laga xaday Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo dusha loo saaray khasnaji baxsaday, lana aaminsan yahay in kiisku ka weyn yahay inta la shaaciyay.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka mida wasaaradaha lagu xisaabtamo ee dhaqalaha dalka oo madaxda sare ay isha ku hayaan, siiba xilliga kala guurka oo xusul duub loogu jiro hantida iyo xilalka dowladda.