Muxuu XASAN SHEEKH ka yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka qeybqaadanaayay dood wadaag si toos ah uga baxeysa Telefishinka Universal, ayaa waxa uu ka hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xassan ayaa wax laga weydiiyay firfircoonida uu lasoo baxay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uuna sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aqoonsan yahay Ugaaska.

Mar wax laga weydiiyay sababta Ugaas Xasan Ugaas Khaliif loogu dari waayay odayaasha 135-ta oday, ayaa waxa uu xusay in Ugaaska uu aqoonsan yahay, tixgelin u hayo.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa waxaa kamid ahaa”Ugaas Xasan waa ugaaskeyga, tixgelin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay, inta aan Ugaaska loo caleema saarin ayaa dhowr jeer kulanay wixii tabasho waa ka hadalnay, arrinta odayaasha isaga inta uu ii yimid ha leygu daro ima dhihin qof hebel oo booskeyga ku jirana ha laga saaro ma dhihin”

”Mida odayaasha 135-ta oday horay u sheegnay inaan saxno oo aan wax ka bedelno rabnay, waxaa is tusnay in hadii wax laga bedelo ay waqti qaadaneyso iyo dib u heshiisiin, labo sano oo soo socoto inay waqti nooga qaataa diideynay”

Xassan waxa uu sheegay inuu la socdo dhammaan firfircoonida uu lasoo baxay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uuna sheegay inuu soo dhaweynaayo sida wacan ee uu xalka ugu raadinaayo shacabka Gobolka Hiiraan.

Waxa uu tilmaamay in DFS ay xal u raadineyso kala aragti duwanaanta ka dhex aloolsan maamulada Hiiraan iyo Dhexe, waxa uuna mahad celin usoo jeediyay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa kusoo beegmaaya iyadoo DFS ay qaati ka taagan tahay Odayaal dhaqmeed uu meel ku uruursaday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif kuwaasi oo kasoo horjeeda Siyaasada lagu dhisaayo maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com