Xog: Oday ka tirsan Daacish oo hab cusub Muqdisho ugu dilay askari booolis ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin Tooreey ku hubeysan oo la sheegay in uu ka tirsan-yahay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta meelo kamid ah Soomaaliya oo ay ku jirto Muqdisho ayaa saakay xaafada Daalo ee degmada Howl-wadaag ku dilay askari ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo aan hub wadan, sida ay noo sheegeen dadka degaanka.

Wararka aan ka helnay Xaafada Daalo ayaa sheegaya in Askari kale oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya uu la socday kan la dilay uu isagana toogasho ku dilay ninkii Tooreyda watay ee dalka u geesteen askariga kale ee ka tirsanaa ciidanka amniga.

Saraakiisha ammaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka dilka gaystay jeebkiisa laga helay cadeymo muujinaya in uu ka tirsan kooxda Daacish, gaar ahaan kooxda dilalka geysata ee bastooladaha wata. 

Sawirro la soo bandhigay ayaa muujiyey in qofka Mindida watay oo ahaa nin oday ah uu ka tirsan Daacish islamarkaana jeebkiisa laga helay xogo kale iyo dad kale uu damacsanaa in uu dilo. 

Kooxda Daacish ilaa hadda ma aysan sheegin dilkii saakay ka dhacay Muqdisho iyo in qofka la dilay uu ahaa xubin iyaga ka tirsan. 

Weerar argagixiso oo lagu fuliyo mindi ayaa waxaa inta badan ay ka dhacaan dalalka Yurub, kuwaas oo ay gaystaan taageerayaasha kooxda Daacish ee aan heli karin hubka qoryaha, hase yeeshee dhacdadan ayaa ah mid ku cusub.