25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

XOG: Odayaashii diiday qorshaha madaxweyne XASAN SHEEKH oo wada arrin khatarteeda leh.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo diyaarinta dibad-baxyo xoogan oo looga soo horjeedo Dowlada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in dibad-baxyada la qorsheynaayo ay wadaan Odayaasha kasoo horjeestay qorshihii uu la imaaday Xassan Sheekh ee ahaa in dib loogu laabto shirka ka socda magaalada Jowhar.

Qorshaha dibad-baxyadaani ayaa la sheegayaa in sidoo kale ay kaalin ku yeelan doonaan maamulka Gobolka oo la gadoodsan Odayaasha dhaqanka, waxaana laga cabsi qabaa in dhibaato aad u badan uu ka dhasho dibad-baxyada la diyaarinaayo.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa inay ka qeybqaadan doonaan madaxda maamulka iyo Odayaashii kasoo horjeestay qorshaha Xassan Sheekh, walow aan wali la shaacin goorta uu dhici doono, markii laga reebo diyaarintiisa oo socda.

Arrintaani ayaa imaaneysa, iyadoo Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud uu laba u kala jabshay Odayaasha Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News