Xog: Puntland oo ‘diyaarisay’ xubnaha ku metalaya gudiga doorashada heer federaal

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in saacadaha soo socdo madaxweynaha Puntland uu ku dhawaaqi doono xubnaha uga mid noqonaya guddiga doorashooyinka heer federaal iyo kan xallinta Khilaafaadka intaba.

Siciid Deni ayaa sacaadihii la soo dhaafay wada wada-tashiyo ballaaran, iyadoo ugu dambeyn xal rasmi ah  laga gaaray khilaaf ka taagnaa magacaabista xubnahaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnaha Puntland ku metalaya guddiga doorashooyinka heer federaal iyo kan guddiga Khilaafaadka, balse ay harsan tahay kaliya inuu shaaciyo madaxweyne Siciid Deni.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya inuu magacaabo guddi-hoosaadka maamulkaasi oo arrimaha doorashada kala shaqayn doono guddiga doorashooyinka heer federaal, si ay u yeeshaan wada-shaqeyn dhow oo wadajir ah.

Si kastaba 10-kii cisho ee loo qabtay in lagu soo magacaabo guddiga farsamada doorashada 2020/21 ayaa maanta ku eg, iyadoona weli aan la soo dhisin guddigaasi.

Soomaaliya oo ku jirta marxalad kala guur ah ayaa isku diyaarineyso doorashada soo socota ee 2020 illaa 2021-ka, taas oo isugu jirta mida madaxweynaha iyo tan baarlamaanka, taas oo ay heshiis rasmi ah ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.