Golaha wasiirada cusub ee Rooble oo durba wajahaya caqabado xal u baahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqay golaha cusub ee wasiirada ee ka mid noqonaya xukuumaddiisa oo muddo xileedkeeda uu ka dhiman yahar illaa muddo afar bilood ah.

Xukuumadda cusub oo ka kooban illaa 70 wasiir waxaa horyaalla arrimo dhowr ah oo ay tahay in ay wax ka qabato.

Golahan wasiirada ee cusub waxaa ka mid ah wejiyo ku cusub siyaasadda iyo shacabka hortooda, sidoo kale waxaa dib u soo nqoday wasiiro ka tirsanaa xukuummnaddii ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre.

Maxaa ka mid ah caqabadaha horyaalla?

Magacaabidda golahan wasiirada ee cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira kala guur siyaasadeed, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu dalka u galo doorasho dadban.

Dhowaan, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ku heshiiyay qaabka loo marayo doorashada dhammaadka sannadkan 2020 iyo bilowga 2021.

Hadaba waxaa golahan wasiirada horyaala caqabada badan oo ay tahay in ay ka gudbaan kuwaas oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha iyo golihiisa waxayaabaha laga filayo waxaa ka mid ah in ay xuddun u noqdaan hannaanka doorashada iyo amniga guud ee dalka.

Rashiid Cabdullaahi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa rumaysan in ra’isul wasaaraha waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay in u fuliyo ay ka mid tahay dhaqangalinta heshiiskii maamul goboleedyada iyo dowladda fedaraalka.

“Waxaa laga rabaa in uu fuliyo howla uu isaga hadda gadaal ka gaaray ayna ugu horeeyso heshiiskii hadda ugu dambeeyay ee salka ku haya doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri Mr Rashiid.

Golahan wasiirada ayaana lafa filayaa in ra’iisul wasaaraha ay ka caawiyaan arrintaas hortaalla.

Waxaa intaa ku daray in rai’sul wasaaraha cusub sidoo kale looga fadhiyo in uu isu keeno dhinacyada ku kala irdhoobay siyaadda oo uu isku dayo in uu mideeyo.

“Waxaa kale oo xiga in siyaasiyan dadka hadda kala irdhoobay oo siyaasadda isaga soo horjeeda inuu isu soo dhaweeyo gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda in uu isu soo dhaweey,” ayuu yiri Mr Rashiid.

Rai’sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumaddiisan waxaa sidoo kale ay dad badan ka filayaan in ay muddada kooban ee u dhiman ay ku hantaan kalsoonida shacabka iyo saamileeyda dhanka siyaasadda.

Rashiid Cabdullaahi Maxamed wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya, oo si gaar ah uga hadlayay Ra’iisul Wasaaraha wuxuu yiri: “Waa in uu gogol xaar u sameeyo mustaqbalka dhaw arrimaha ku saabsan doorashooyiinka kalsooni na galiyo dadka kale ee banaanka taagan ee maanta daneynaya siyaasadda inay qeyb ka noqdaan markaa in uu howlahaasi oo dhan meelmariy.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la wareegay xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo, uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Rooble iyo xukuumaddiisa oo haysta illaa 115 maalmood oo kuraasta ay ku sii fadhindoonaan, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana looga fadhiyaa inay la yimaadaan waxqab uu ku jiro degdeg – kuwa ugu culusna waa doorashada iyo amniga guud ee dalka, si gaar ah amaanka goobaha doorashada iyo ergooyiinka codeyn doona.

Isha: BBC