PUNTLAND oo faro-gelin xoogan ku heysa shirka Cadaado iyo DF Soomaaliya oo digniino u dirtay!

Cadaado (Caasimada Online ) – Wararka ka imaanayo Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in Ergooyinka shirka ay qaati ka taagan yihiin Odayaal aan shirka lagu marti galin oo u adeegayo Maamulka Puntland.

Odayaashani oo dhan ilaa 12 ayaa waxa ay carqaladeynayaan habsami u socodka shirka, iyagoona in siyaabo kala duwan ay u tashkiilinayaan Ergooyinka laf dhabarka u ah shirka lagu doonaayo in dhidibada loogu aaso Maamul la magacbaxay G/Dhexe ee Somalia.

Muuse Salaad oo kamid ah Ergooyinka ayaa sheegay inuu dareemayo in Maamulka Puntland ay kasoo horjeedo xasiloonida shirka, waxa uuna xusay inuu kor kala socdo dhaqdhaqaaqyada dhowr oday oo carqaladeynaayo shirka.

“Waa arrin nasiib darro ah in Puntland ay Odayaal u sameysato carqaladeynta shirka. waayo waxaa shirka lagu soo kordhiyay odayaal dhowr ah oo u adeegayo Puntland qalalaasihii ku yimaada shirka C/weli Gaas ayaa dusha saaran doono”.

Wasiirka Arimaha gudaha Cabdiraxmaan Odowaa, ayaa maalmo ka hor ka digay in Maamulada Gobolada dalka ay ka shaqeeyan carqaladeynta shirka, waxa uuna sheegay in DF Somalia ay talaabo lidi ku ah ka qaadi doonto cidii lagu helo faragalin ama carqaladeynta shirka.

Waxa uu rajo ka muujiyay natiijooyinka laga filan karo shirka socda waxa uuna sidoo kale Ergooyinka ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadaha hor yaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com