Jawaari oo go’aan adag dul dhigay xildhibanada!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cismaan ”Jawaari”, ayaa go’aan kasoo saaray Xildhibaanada ka maqan kulamada Golaha.

Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada ka maqan kulamada ay la kulmi doonaan ganaax, waxa uuna ku goodiyay in nidaamkaasi uu qaban doono cid waliba oo aan soo xaadirin fadhiyada uu leeyahay Baarlamaanka.

Nuqul kamid ah hadalka Jawaari ayaa waxaa kamid ahaa “Mudanayaal ii ogolaada in Xildhibaankii aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka, kulan kasta oo aanu soo xaadirin mushaarkiisa laga gooyo lacag dhan boqol dollar ($100).

Macquul maaha in toddobaadkii la xisaabiyo Xildhibaankii aan kulamada imaanin, oo laga dhigo in maalintii lagu ganaaxo 100 dollar”

Jawaari oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri “Xildhibaanka aan imaan kulamada Baarlamaanka, runtii dib u dhac ayay isaga ku tahay, beeshiisana dib u dhac ayay ku tahay, Baarlamaankana caqabad ayay ku tahay. Waayo Waxaa inoo taalo shaqo culus oo la doonaayo in Baarlamaanka uu qabto.”

Go’aankaani ayaa imaaday kadib markii Xildhibaanada BF Somalia ay caado ka dhigteen ka maqnaanshaha kulamada, waxa uuna sidoo kale go’aankaani noqonayaa kii ugu horeeyay oo uu qaato Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Geesta kale, Xildhibaanada qaarkood, ayaan ku sugnayn Magaalada Muqdisho, waxayna qaarkood ku maqan yihiin gobolada dalka, halka qaar kalana ay dibadda ku sugan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com