32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Puntland oo qabatay shir looga soo horjeedo dhismaha maamulka G/D

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo looga hadlay Siyaasada qaraaran ee ka dhextaagan Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Kulanka ayaa ahaa mid looga soo horjeeday shirka dhawaan ka furmi doona Magaalada Cadaado ee Maamulka loogu dhisaayo Gobolada Galguduud iyo Galmudug.

Kulanka ayaa ahaa mid ay isugu imaaden Siyaasiyiin, Waxgarad iyo aqoonyahaano, iyadoona Maamulka Galmudug looga digay inay ka shaqeyso faragalinta Maamulka Puntland.

Waxgaradka ayaa sheegay inay Puntland ogtahay dhaqdhaqaaq walba ayna u digayaan dadka siyaasiyiintaa ee doonaya inay Marin habaabiyaan shirka Cadadao ka furmaya.

Maamulka Puntland ayaa aad uga walaacsan dhismaha Maamulka la doonaayo in dhawaan laga dhex dhiso shirka ka furmi doono Magaalada Cadaado, kaasi oo lagu mideyn doono Gobolada Galguduud iyo Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News