28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xog: Puntland oo qabsatay markab kale oo Muqdisho u socday – Muxuu sidaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Bareeda (Caasimada Online) – Ciidanka Puntland ayaa maanta mar kale weeraray markab shidaal oo marayay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Bari, kaas oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho kana yimid Khaliijka.

Markabka ayaa waday shidaal, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo ganacsatada shidaalka ee Muqdisho, waxaana la sheegay inay baaritaan ku bilaabeen, si la mid ah markabkii hore ee ay haysteen ee siday hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Dhaqdhaqaaqa ay wadaan ciidanka PMPF ee ay Imaaraadku maalgeliyo ayaa kordhinaya walaaca iyo cabsida ay qabaan markableyda, kuwaas oo horey ula kulmay weerarro ka dhan ah oo uga yimid Xuutiyiinta Yemen.

Markabka shidaalka sida ee maanta ay qabatay Puntland, waxaa la sheegay in uu halkaas taagnaa habeen iyo maalin lasoo dhaafay, isagoo u soo dhawaanayay dhanka xeebta kana joogsaday mowjadaha kacsan ee badda.

Mowjadaha hakiyay markabkan ayaa sidoo kale ah kuwa ku kalifay markabkii hore ee hubka siday inuu u dhawaado dhanka xeebta — halkaas oo ay ciidamada Puntland ka qabteen — inkastoo uusan samaynin wax xiriir ah, sida ay Puntland sheegtay.

Dowladda Soomaaliya oo mas’uul ka ah amniga badda iyo cirka ayaa ka aamusan dhacdooyinkan, kuwaas oo carqaladayn kara isku socodka caalamka.

Sidoo kale, wararka laga helayo markabkan dambe waxay sheegayaan in uu xiriir la sameeyay maamulka Puntland. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas ayaa xaqiijiyay in markabku sido shidaal ka yimid Khaliijka, isla markaana uu u socdo magaalada Muqdisho.

Markabkii hubka siday ee Sea World ayaa maalinkii labaad ku xiran dekedda magaalada Boosaaso, iyadoo Puntland ay sheegtay inay baaritaan ku waddo. Balse xogaha hoose ayaa muujinaya in Puntland loo hayo hubkii ay horey u sheegtay in la boobay.

Puntland ayaa guddi gaar ah u xilsaartay kiiska markabka Sea World ee hubka siday, kaas oo ilaa hadda — marka laga reebo wararka hoose — aysan jirin cid sheegatay lahaanshihiisa, sidoo kalena aysan si faahfaahsan uga hadlin Turkiga iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News