Xog: Qaabkii ay xuduudda Jabuuti ku gaareen afartii qof ee laga helay Coronavirus ee ka baxay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Kadib markii ay dowladda Jabuuti ku dhawaaqday in cudurka Coronavirus laga helay Afar qof oo ka soo dagay madaarka Hargeysa, isla markaana rabay inay  dalkaasi kasoo galaan xuduud dhuleedka uu la wadaago Somaliland, ayaa waxa la isweydiiyey qaabkii ay dadkaasi ku gaareen xuduuda Jabuuti iyo cida u fududeysay maadama ay Jabuuti xiratay xuduudaheeda dhuleed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Afartaasi qof oo kamid ahaa rakaabkii diyaarada Ethiopian Airlines ee iyadu ka soo dagta madaarka Hargeysa, ay u soo safreen dhanka magaalada Boorama, kuwaasi oo markii ay soo gaareena uga sii gudbay dhanka Jabuuti, iyagoo raacaya baabuurta u kala gooshta Boorama iyo xadka Jabuuti.

Waxaana la soo waraniyaa in intii ay magaalada ku sugnaayen ay wax ka cuneen Huteel ku yaala magaalada Boorama, midaasi oo sare u sii qaadi karta khatarta ay reer Boorama u jiraan cudurkan, maaadama uu si fudud ugu kala gudbayo dadka.

Inkasta oo uu xadka Jabuuti xiran yahay, haddana weli ma joogsan isku socodka dadka ee Somaliland iyo Jabuuti, iyada oo laga ambabaxayo magaalada Boorama, isla markaana ay Gawaadhidaasi ku geynayaan oo kaliya xadka Lowya-cado iyagoona halkaasi ka sii gudbi karin, maadama dowladda Jabuuti ay hore u soo rogtay amar xayiraad.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Afartaasi qof oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Jabuuti, ayaa waxa Lowya-cado ku sugayey qof u balan qaaday in uu dhaafin doono Lowga xidhan, isla markaana ay si amaan ah ugu gaari doonaan dadkooda iyo magaaladii ay u dhasheen.

Afartaasi qof iyo shaqsiyaad kale oo la socday ayey dowladda Jabuuti gacanta ku dhigtay goor habeenimo ah, iyaga oo isku dayayey inay lug kaga gudbaan xadka, midaasi oo keentay in isla markiiba lagu sameeyo baaritaan la xiriira cudurkan dunida ku soo kordhiyey cabsida weyn.

Baaritaan kadibna waxa cadaatay in afartaasi qof ay qabaan cudurkaasi, maadama ay hore u soo mareen wadamo uu ka jiro cudurkaasi oo ay ugu dambeysay dalka Itoobiya, oo isagu la taacalaya fayruska Corona.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu weli iska indho tireysa halista duulimaadyada diyaarada Ethiopian Airlines, midaasi oo soo qaada rakaab soo mara wadamo uu cudurkaasi ku haya faro ba’an.

Sidoo kale waxay Xukuumadu hore u qaaday talaabo halis badan oo ay damiin ahaan kusii deysay dad la socday diyaaradaasi oo u karantiilna cudurkaasi, xogtaasi oo ay hore u baahisay Caasimada Online.