Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka dhiseyso duleedka Muqdisho ayaa la qiyaasayaa in ay ku kici doonto ku dhowaad hal bilyan oo dollar, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Garoonkan cusub, oo laga dhisayo deegaanka Haabaay ee Shabeellaha Dhexe ayaa loogu talagalay inuu yareeyo culeyska ka jira garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, islamarkaana uu kor u qaado isku xirka dalka iyo koboca dhaqaale ee guud ahaan Soomaaliya.
Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca ayaa qabtay Axaddii deegaanka laga dhisayo, iyadoo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo mas’uuliyiin ka tirsan heer federaal iyo dowlad-goboleed.
Dowladda waxay qiyaastay in garoonka ay ku bixi doonto $800 milyan, balse waxaa suurta-gal ah inuu gaari karo hal bilyan, sababo la xiriira sare u kaca qalabka dhismaha ee la filayo sanadaha soo socda.
Dowladda weli ma bixin faah-faahin ku saabsan habka loo maal-gelinayo mashruucan.
Garoonka ayaa la qorsheynayaa in lagu dhameystiro muddo shan sano gudahood ah, wuxuuna qeyb ka yahay istaraatijiyad ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in dib u dhis loogu sameeyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la hirgeliyo dekad cusub, waddooyin casri ah, xarumo caafimaad iyo xarunta sayniska hawada ee ugu horreysa Soomaaliya.
“Garoonkani waa albaabka u furmaya mustaqbalka Soomaaliya. Ma aha oo keliya arrin safar, waa arrin dhaqaalaha lagu horumarinayo, shaqooyin lagu abuurayo, lana horumarinayo awoodaha qaranka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Mashruucan oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay dabayaaqadii 2024, ayaa ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wajahday dib-u-dhiska dalka, iyadoo diiradda la saarayo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Garoonka cusub ayaa la filayaa inuu la jaanqaado heerarka caalamiga ah, isla markaana uu Muqdisho ka dhigo xarun muhiim u ah isu socodka gobollada Bariga Afrika.
Mashruucan ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan dadaallo ay dalalka deriska ah wadaan oo ay ku casriyeynayaan kaabeyaashooda duulista – Kenya ayaa dayactiraya garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, halka Rwanda iyo Itoobiya ay dhisayaan garoomo cusub oo waaweyn si ay u daboolaan baahida sii kordheysa ee gudaha iyo dibedda.
Iyadoo Soomaaliya ay weli ka soo kabaneyso dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday, qaybta gaadiidka waddooyinka ayaa ka mid ah kuwa ugu liita gobolka, taas oo sababtay in dad badani ay u xushaan safarka diyaaradaha – in kasta oo uu qaali yahay – maadaama uu u muuqdo mid ammaan iyo xawaare leh.