25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog + Video: Qof Somali ah kama shaqeyn karo xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Caasimada Online (Muqdisho) Wadamada Midowga Yurub waxa aay wadamada dan yarta ah sida Soomaaliya ku eedeeyaan musuqmaasuq, ku xadgudub xuquuqda bini aadamka laakiin baaritaan dheer ayaa waxaa lagu helay dokementi caddeynaya in Midowga Yurub ay jebiyeen qawaaniinta adduunka.

Waxaa dhul baaxad weyn laga siiyay midowga Yurub magaalada Muqdisho, halkaasoo laga dhisay xarun weyn oo aay leedahay Midowga Yurub. Halkaas oo laga shaqaaleysiin doono dad badan ayaa haddana waraaqahan oo aay diyaarisay qeybta heshiiska dibadda yurub oo aay la galeen shirkadaha maamulaya xaruntaas ayaa waxaa ku qoran sidan.

QANDARAASLUHU MA SHAQAALEYSIIN KARO QOF HAYSTA DHALASHADA SOOMAALIGA AMA ISIRKIISU YAHAY SOOMAALI, GOOBTAASNA KAMA BIXIN KARO ADEEG.

Taasoo micnaheedu tahay qofka marba haddii uu yahay Soomaali, dhalashaduu doono ha wato kama shaqeyn karo goobtaas. Taasoo ah xadgudub qawaaniinta caalamiga ah iyo meel ka dhac loo geystay dadka Soomaaliyeed guud ahaan.

Mabaadiida aay ku dhisan tahay midowga Yurub, marnaba ma qabo in hab midab takoor ah lagu xulo shaqaalaha u shaqeeynaya Midowga Yurub.

Arrintan oo ah mid aad uga yaabisay dhammaan ummada Soomaaliyeed ayaanan ilaa hadda aaysan dowladda Federaalka ah wax ka qaban, su’aalo ka weydiin ururka Midowga Yurub. Iyadoo weliba xafladdii furitaanka xaruntaas uu daah furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo weliba dhoola cadeeynaya.

Hoos Ka Daawo

 

- Advertisement -

Read more

Local News