Xog: QOOR QOOR oo kulan qarsoodi ah Turkiga kula qaadanaya saraakiil sare

Istanbul (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Galmudug iyo dalka Turkiga ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu kulan qarsoodi ah dalka Turkiga kula qaadan doono madaxda maamulkii Ahlu-Sunna, oo bilooyin ka hor dagaal looga saaray Galmudug.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ahna wiilka hogaamiyaha maamulkii Ahlu-Sunna Cabidsamad Macalim Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan Villa Somalia, ay kulan qarsoodi ah islamarkaana lagu dhax dhaxaadinayo Ahlu-Sunna iyo Qoor Qoor ay ku leeyihiin Turkiga.

Madaxweyne Guuleed iyo Cabdisamad Macalim Maxamuud, oo u kala dab qaadayo Ahlu-Sunna, Galmudug iyo dowladda ayaa kulankaan soo qaban qaabiyay waxaana gadaal ka riixaya madaxweyne Qoor.

Ahlu-Sunna waxaa shirkaasi uga qeyb gelaya Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxaana sidoo kale goob joog ah masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo raadinaya in uu soo celiyo madaxdii Ahlu-Sunna oo heeshiis ah ayaa kulankaan dalbaday, waxaana sidoo kale la sheegay in ujeedada lagula heshiinayo Ahlu-Sunna ay tahay cabsi uu Qoor Qoor ka qabo in loo adeegsado maamulkiisa iyo xal u helidda ciidankii Ahlu-Sunna oo wali ah awood magac dowladeed hugan oo go’aano ka qaadanaya xaalada gobalka.

Madaxda maamulkii Ahlu-Sunna ayaa Dhuusamareeb ka baxay kadib dagaal socday muddo maalmo ah kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Sheekh Shaakir iyo mas’uuliyiin kale ayaa si qorsoodi ah uga baxay Galmudug kadib markii looga adkaaday dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb.