Xog: Qoor Qoor oo la kulmay xubno beesha Mudulood ka tirsan kadib markii uu kasoo carrooday Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shalay tegay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka socdo shirka beelweynta Mudulood.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay, in inkasta oo tegitaanka Qoor Qoor ee shirka aysan ahayn wax qarsan, haddana uu jiray kulan gaar ah oo Qoor Qoor uu halkaas kula yeeshay xubno ay ka mid yihiin Cali Mahdi, Cali Maxamed Geedi, Muuse Suudi iyo Imaamka Mudulood.

Ma cadda waxyaabaha uu Qoor Qoor kala hadlay xubnaha beesha Mudulood, hase yeeshee xubno ku dhow ayaa Caasimada Online u sheegay inuu kasoo carrooday madaxweyne Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay, Qoor Qoor ayaa olole xooggan u galay oo rajo wanaagsan ka qabay in qof uu wato loo magacaabo ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee madaxweynaha ayaa ku gacan seeray taas, inkasta oo uu xaqiijiyey inuu xilkaas siin doono beesha Habar-Gidir ee Qoor Qoor uu ka dhashay.

Intii uusan ka bixin Muqdisho ee uusan u dhoofin Turkiga, ayaa sidoo kale Qoor Qoor waxa uu sheegay in shirku Dhuusamareeb uu ku qabsoomi doono waqtigiisa, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo soo qaban-qaabiya oo 15-ka bishan la isugu tegi doono Dhuusamareeb.

Waxa uu intaas raaciyey hadal dadban oo u muquday inuu farriin ugu dirayo Villa Somalia, isaga oo ka digay in shirka la carqaladeeyo.

“Dhamaan dhinacyada shirkaas uu khuseeyo iyo Soomaaliya oo dhan waxaan ugu baaqeynaa in waqtigaan la tixgeliyo wax kasta oo shirkaas dib u dhac ku keeni karana laga fogaado,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso in shirkaas uusan dhicin ama ugu yaraan dib loo dhigo, waxaana ay u ekeyd in hadalka Qoor Qoor uu ayaga ku socday.