Chris Reynolds: Soomaalida waa Irish-ka qaarada Afrika”

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii agaasimaha ilaalada xeebaha Soomaaliya Chris Reynolds oo Ireland kasoo jeeda uu shaqada aadayo, waxaa markasta wehliya ugu yaraan labo gaari oo gaashaaman iyo unug ciidan ah oo ilaaliya.

Taasi ma ahan socdaalka caadiga ah ee saraakiisha ilaalada xeebaha. Laakiin doorka hadda ee Reynolds, sidaas waa uu ka duwanyahay.

Tan iyo sanadkii 2019-kii, ninkaan oo kasoo jeeda magaalada Dublin waxaa uu ahaa madaxa Howlgalka Midowga Europe ee badda Soomaaliya, howlgalkaasi waxaa uu dib u dhisayaa ku dhaqanka sharciga Soomaaliya iyo gaar ahaan awoodda badda ee amni sugidda.

“Khatartu halkaan waa ay badantahay. Dhab ayaan u qaadanaa,” ayuu yiri Reynolds, oo ka hadlay xarunta howlgalku ku leeyahay garoonka diyaradaha Muqdisho.

Xeradda waxaa ilaaliya ciidan Soomaali ah, kuwo ka tirsan AMISOM iyo shirkad amni oo gaar loo leeyahay, hadana waxa joogto u weerara Al-shabaab oo adeegsanaya madaafiic.

“Markii aan banaanka aadeyno, waxaan ku baxnaa kolonyo. Waxaa gadaal iyo horay naga mara ciidanka amniga maxaliga ah, waxaana wadanaa ugu yaraan laba gaari oo gaashaaman oo ay dadku dhexda uga jiraan. Kama degno baaburta ilaa aan tagno xero kale” ayuu yiri.

Reynolds, oo horraantii bishan la gudoonsiiyay abaal-marinta birta ah ee military-ga Midowga Europe, waa uu qoslay , markii la weydiiyay in qoyskiisu ay Muqdisho ugu yimaadeen iyo in kale. “Alla maya. Halkaan qoyskaaga ma keeni kartid” ayuu yiri.

Ninkaani waxaa uu ka mid yahay shanta qof ee Irish-ka ah ee ka tirsan EUCap, waana madaxii ugu horreeyay ee Ireland kasoo jeeda ee uu howlgalkaan yeesho.

In aad Irish tahay waxay faa’iido u leedahay dhismaha xiriirka wadan dagaal la degay. “Waxay furi kartaa albaabo badan dadkuna waa ay ku nasan karaan. Ireland meel gaar ah ayey leedahay markii ay timaaddo ka shaqaynta meelo Africa oo kale ah.

‘Dhibaato deriskeena’

“Soomaalidu waa Irish-ka Africa,” ayuu hadalkiisa ku daray, waxaa uu hadal kasoo xigtayRichard Burton oo ah sahmiye noolaa qarnigii 19-aad. “Waxaa ku hareereeysan biyo qurxoon, taariikh macquul, iyo taariikh soo galooti. Markastana deriskeena wan isku xunahay.”

Waayo aragnimadiisii hore ee ciidanka badda Ireland ayaa sidoo kale ka caawisay in uu ka mid noqdo kooxda 111-da ah ee ciidanka difaaca.

“Waa arrin xiiso leh in aad halkaan ka hesho askari ciidanka badda ah. Ciidanka Ireland ee badda ayaa aad ugu haboon. Waxay sameeyaan shaqo badan oo ilaalaha xeebaha ah, sida ilaalinta kaluumeysatada, ka hortagga daroogada, amniga iyo nabad geliyada. Aad ayeyna u tababaranyihiin.

“Waxaan garowsaday in ay heysato dhibaato dhanka shaqaaleysiinta ah hadda.” Ayuu yiri.

Markii dadka Ireland ay ka fekeraan Soomaaliya, burcad badeed ayaa kusoo dhacaysa. Ujeedka ugu weyn ee howlgalka EUCap kii ka horeeyay ee Nestor waxaa uu ahaa xakameynta burcad badeeda, taasi oo la degtay geeska Africa sanadihii dambe.

Sida uu sheegay Reynolds, burcad badeedda hadda waa laga adkaaday. Taas waxaa sabab u ah Soomaalida oo aan u dulqaadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ah dhismaha dekedaha iyo warshadaha kaluunka iyo ku dhaqanka sharciga.

Reynolds waxaa uu sheegay in shaqadiisa ugu adag ay tahay in uu biyaha dhigo kuwo nabad geliyo ah oo nafiid ah, awoodaha amni sugidda si loo ilaaliyo dekedaha, isla markaana la sameeyo booliiska sida military-ga u tababaran  si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al-shabaab.

Aad ayuu ugu rajo weynyahay mustaqbalka. Reynolds waxaa uu Soomaaliya joogay muddo afar sano ah. “Waa is bedel wanaagsan, laakiin waa in aad haalkaan joogtaa afarsano si aad u aragto isbedelka wanaagsan. Hadii aad halkaan joogto muddo lix ama sided bilood ah ma arki kartid.” Ayuu yiri.