Xog: Qorshaha madaxweyne Biixi uu ka damacsan yahay go’aankii uu shalay shaaciyey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa shalay khudbadiisi sanadlaha aheyd ee uu ka hor-jeediyay labada gole ee baarlamaanka ku shaaciyay go’aan ah in uu dib u furayo Ururada siyaasadeed ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayey ay ku lumeen murano ka dhashay qabsoomida doorashooyinka oo u dhaxeeyay xukuumadiisa iyo xisbiyada Mucaaridka uu go’aansaday in uu xal bido in la furo ururada siyaasada.

Biixi ayaa ku doodaya in muranka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Somaliland xal loo helayo haddii dib loo furo ururadaasi, midaasi oo ah waqti kale oo sii fogeynaysa qabsoomida doorashooyinka.

“Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka” ayuu yiri Madaxweynuhu isagoo arrinkaasi ka hadlaya.

Caasimada Online ayaa ogaatay in uu Madaxweyne Biixi uu qorshe halis ah ka damacsan yahay dib u furista ururada siyaasada, kaasi oo gebi ahaanba lagu tirtirayo xisbiga mucaaridka Somaliland ugu tunka weyn ee Waddani.

Madaxweyne Biixi ayaa qorshahaasi ku raba in uu Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku hadho tartankaasi ay dib ugu soo baxayaan xisbiyada qaranku, isla markaana uu ku soo saaro Xisbiyo kale oo ku raacsan aragtiyihiisa.

Waddani ayaa caqabad weyn ku noqday qorshe uu Biixi ka lahaa Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland, kaasi oo xisbiyada mucaaridku si adag uga horyimaadeen oo ay kala noqdeen Kalsoonidii wada shaqeyneed.

Muuse Biixi ayaa fursad weyn oo uu dib ugu soo laaban kara xilka u arka haddii uu xisbiga Waddani ee mucaaridada weyn kala dhaxeyso uu gebi ahaanba tirto.

Haddii uu ka dhabeeyo Madaxweyne Biixi qorshaha dib u furista ururada, waxa sidoo kale meesha ka bixi kara xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, inkasta oo uusan aheyn ujeedka ugu weyn ee looga dan leeyahay furista ururada.

Waxa waqti xaadirkan Somaliland ka jirra Saddex xisbi qaran oo mid talada hayo waa Kulmiye, halka labada kale ee Waddani iyo Ucid ay yihiin Mucaarid aan la dhacsaneyn hab maamulka Madaxweyne Biixi.