Hargeysa (Caasimada Online) — Madaxweynaha Somaliland ayaa toddobaadkan soo gebagebeeyay socdaal muhiim ah oo uu ku tagay Itoobiya, isaga oo aan ku guuleysan in la soo afjaro heshiis kama-dambays ah oo ku saabsan dekedda Berbera, taasi oo caqabad ku noqotay mashruuc dhaqaale oo labada dhinacba u arkaan mid istaraatiiji ah.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa Khamiistii ku soo laabtay Hargeysa, kaddib safar qaatay laba maalmood iyo wadahadallo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
In kasta oo saraakiisha Hargeysa ay kulamada ku sifeeyeen kuwo “miro-dhal ah,” haddana ilo xog-ogaal u ah wadahadallada ayaa u sheegay shabakadda Somalia Today in socdaalku uusan keenin is-afgaradkii muddada dheer la sugayay ee ku saabsan heshiiska aasaasiga u ah horumarinta dekedda Berbera.
Heshiiskan ayaa fure u ah maalgashi dhan $442 milyan oo ay wado shirkadda weyn ee saadka ee fadhigeedu yahay Dubai, DP World, taas oo ballaarinaysa Berbera si ay ugu korto xarun ganacsi oo goboleed oo ku taalla Gacanka Cadmeed.
Mashruucan waxa loo qorsheeyay inuu Itoobiya, oo aan bad lahayn, siiyo marin kale oo badeed; hadda waxa ay in ka badan 95 boqolkiiba ganacsigeeda badeed ku tiirsan tahay Jabuuti. Laakiin iyada oo aan la helin nidaam rasmi ah oo kastam iyo saadka ah, dekeddu Berbera ma gaari karto awooddeeda buuxda. Wajiga labaad ee maalgashiga DP World ayaa weli hakad ku jira, wuxuuna ku xiran yahay heshiiska Itoobiy aiyo Somaliland.
Heshiiskii oo hakaday
Heshiiska, oo wadahadallo ku saabsani socdeen in ka badan hal sano, ayaa nidaamin lahaa isu-socodka badeecadaha ee marinka Berbera oo dhererkiisu yahay 260 kiiloomitir (160 mayl) ilaa xudduudda Itoobiya. Wuxuu daboolayaa arrimo farsamo balse asaasi ah sida canshuuraha kastamka, caymiska, iyo ruqsadaha shirkadaha xamuulka iyo saadka.
DP World waxay hore ugu maalgelisay qiyaastii $250 milyan dhammaystirka wajiga koowaad ee terminal-ka konteenarada ee Berbera, kaas oo la furay 2021. Ilo ku dhow mashruuca ayaa sheegaya in ballaarin dheeri ah ay ku xiran tahay heshiiska gaadiidka, kaas oo go’aamin doona suurtagalnimada ganacsi ee marinka iyo hufnaanta hawl-maalmeedkiisa.
Somaliland, oo iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaani balse aan haysan aqoonsi caalami ah, Berbera waa mashruuceeda dhaqaale ee ugu weyn. Hargeysa waxay rajaynaysaa in guusha mashruucu uu xoojiyo dooddeeda madaxbannaanida ee soo jiitamaysay tan iyo markii ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya 1991.
Iskaashiga Berbera ee kala dhexeeya Itoobiya iyo DP World, oo markii ugu horreysay la saxiixay 2016, waxa uu weli yahay heshiiskeeda dhaqaale ee ugu muhiimsan.
Sida uu xusay Bangiga Adduunka, caqabadda ugu weyn ayaa ah in ujeeddada guud ee istaraatiijiyadeed loo rogo heshiis hawleed oo sharci ah oo kalsooni siiya maalgashadayaasha.
Xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah
Wadahadalladu waxay ku soo beegmeen xilli ay jirtay xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah. Laba maalmood ka hor intii uusan Madaxweyne Cirro iman, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa Addis Ababa kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
War-saxaafadeed soo baxay 12-ka Oktoobar ayey Villa Somalia ku sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen iskaashi ku salaysan “is-ixtiraam labada dhinac ah… madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.” Hadalkaas ayaa si weyn loogu fasirtay inuu dib u xaqiijinayo mowqifka adag ee Muqdisho ee ah in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya.
Kulankaasi waxa uu muujiyay isku-dheellitirnaanta ay Itoobiya isku dayayso inay ilaaliso. Xiisadda labada dal ayaa sare u kacday kadib Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee muranka dhaliyay ee la saxiixay Janaayo 2024. Heshiiskaas ayaa qorayay in Itoobiya ay ka heli doonto Somaliland saldhig ciidan badeed iyo marin ganacsi, iyadoo beddelkeedana ka fiirsanaysa aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.
Soomaaliya waxay tallaabadaas ku cambaareysay “fal gardarro ah.” Si xiisadda loo dejiyo, Itoobiya iyo Soomaaliya waxay Diseembar 2024 saxiixeen Baaqa Ankara, iyagoo ballanqaaday wadahadal iyo ixtiraamka madaxbannaanida midba midka kale.
Madaxtooyada Somaliland ayaa Khamiistii sheegtay in booqashada Madaxweyne Cirro ay “gacan ka gaysatay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah.”
Saraakiisha Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo faahfaahin dheeri ah oo email ahaan loogu diray Jimcihii, kuwaas oo ku saabsanaa halka uu marayo heshiiska.
Waqtigan, mustaqbalka Dekedda Berbera wuxuu ku xiran yahay in la xalliyo arrimaha farsamo, iyadoo weli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo kacsan. Lama cayimin taariikhda wareegga xiga ee wada-hadallada.