Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Ra’sul wasaaraha Ethiopia Hailamariam Desalegn ku wargaliyay in dowladiisu aysan u dulqaadan karin in Ethiopia ay dhowr Qunsuliyadood ku yeeshan Gobolada dalka.
Madaxweynaha ayaa Hailamariam Desalegn u sheegay inaanu sharci aheyn in hal wadan uu dhowr Qunsuliyadood ku yeesho hal dal, waxa uuna ugu baaqay in dhammaan Qunsuliyadahaasi la hoosgeeyo Safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Hailamariam Desalegn u sheegay inaanu suuragal aheyn in Qunsuliyadahaasi ay dadka shacabka ah ku dhibaan Fiisooyinka dal ku galka ah, waxa uuna Ra’isul wasaaraha Ethiopia ka dalbaday in dib loo eego dhaqanka ay Qunsuliyadaha Ethiopia ku hayaan dadka shacabka ah.
Waxa uu sidoo kale ka dalbaday in mas’uuliyiinta ku magacaaban Qunsuliyadahaasi si dhow ula shaqeeyan Safaarada isla markaana ay fududeeyaan hawlaha isu socodka sida bixinta dalkugalka (Visa).
”Ethiopia waxaan ka dooneynaa inay u hogaansanaato sharciyada caalamka, suuragal maaha in sida la doono laga yeesho shacabka xiriirka labada dal waxa uu hagaagikaraa markii dalka uu tixgaliyo shacabka dalka kale ee uu ka doonaayo xiriirka”
Ra’sul wasaaraha Ethiopia Hailamariam Desalegn, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ka aqbalay in dhammaan Qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Somalia la hoosgeeyo Safaarada, isla markaana la fududeeyo hawlaha isu socodka sida bixinta dalkugalka (Visa).
Dowlada Ethiopia ayaa ilaa Seddex Qunsuliyadood ku leh Caasimadaha maamul Goboleedyada dalka kuwaa oo dadka shacabka ah ku dhiba Aqoonsiga dalkugalka ah.