Xog: R/W Rooble oo u baxaya socdaalkii ugu horreeyey ee gudaha dalka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa berri ku wajahan magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan dowladda federaalka.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkasta oo aysan caddeyn waxa uu si gaar ah ugala hadli doono mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, oo ka mid ah maamullada xulufada la ah xukuumadda.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegayo gudaha dalka tan iyo markii 18-kii September 2020 loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha. Horey waxa uu u booqday dalka Kuwait.

Safarka ayaa imanaya ayada oo uu muran weyn ka taagan yahay dhismaha guddiyada doorashooyinka ee xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasi oo ay ka soo horjeesteen musharaxiinta mucaaradka, oo sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaale dowladeed.

Rooble oo toddobaadkii tegay ka hadlay arrintan ayaa sheegay in guddiyadaas aan waxba laga beddeli doonin, oo ay tahay sidii loo magacaabay. Waxa uu sidoo kale wareysi uu siiyey Shabelle TV ugu baaqay mucaaradka inaysan welwelin oo uu isaga uga wakil yahay dowladda, isaga oo ula jeeda inuu ku beel yahay.