26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

KASHIFAAD: Saacid iyo Taliyihii nabad sugida oo xulufeysi cusub sameystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Sida ay lee yihiin, dad ku dhow-dhow taliyihii nabad sugida Axmed Macalin Fiqi oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, waxaa heshiis gaaray ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi oo ra’iisal wasaaraha ka soo raacay dalka Yemen oo dhawaan safar shaqo uu ku tagay, ayaa magaalada Muqdisho ka wada olole lagu doonayo siddii loo baajin lahaa mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan ra’iisal wasaaraha oo lagu eedeeyay in uu shaqadiisa gabay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa la sheegay in uu la kulamo la qaatay xildhibaannada mooshinka ka dhanka ra’iisal wasaaraha wada, kuwaasoo uu ku dhaadhicinayo in ka laabtaan mooshinkaas.

Axmed Macalin fiqi oo markii xilka la qaaday uu tagay waddamo dhowr ah sida Yemen, Sudan iyo Kenya, ayaa la sheegay in uu wado qorshe uu ku doonayo in uu ku dhawaaqo xisbi siyaasi ah taasoo uu ku doonayo in uu isku soo taago xilka doorashada madaxweynaha sannadka 2016-ka.

Taliyihii hore ee nabad sugida, wuxuu ku celceliyay in dowladda hadda jirta ay ku guul dareesatay arrimo badan sida Ammaanka.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho aad looga hadal-hayaa warar sheegaya in marka uu madaxweynaha ka soo laabto dibedda in qorshaha ugu horeeya ee uu sameen doono uu yahay is-badal xagga xukuumada, waxaa la ballaarin doonaa tirada wasiiradda iyadoo wararka qaar ay lee yihiin waxaa  la badeli doonaa ra’iisal wasaaraha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News