Dhageyso: Nabadoo Xasan Daahir ka keenay Cadaado oo la dilay

Muqdisho (Caasimada online) War Hadda soo dhacay oo ay heshay Caasimadda Online wuxuu sheegayaan inmagaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaashii Magaalada Cadaado ka kenay Sheekh Xasa Daahir Aweys oo Dowlada Soomaaliya minka u xiran .

Wararka waxay sheegayan in Kooxo ku hubeysan Bistoolado ay nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Faarax Shidane (Faarax yare) ay dileen xilli uu kasoo degenayay Gaarigiisa, Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ayaa lasheegay inuu dilku ka dhacay.

Mid ka mid ah ehelada Nabadoonka Maanta Muqdisho lagu dilay ee qeybta ka ahaa Wafdigii dowlada Soomaaliya ay u dirtay Cadaado Si Xasan Daahir ay Muqdisho u keenaan ayaa sheegay in Ragga dilka geyray ay ku hubeysnaayen Bistoolad.

Kooxihii dilka geystay ayaa Goobta isaga Baxsaday , lamana oga Sababta ka dambeysa dilka Nabadoonkan oo sida la sheegayna ah Ganacsade caan ah oo si weyn magaalada Muqdisho looga yaqaan .

Mudooyinkii ugu dambeysay Waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanayay Falalka Dilalka ah oo ay fuliyaan kooxo ku hubeysan Bistoolado, waa Markii ugu horeysay oo Nabadoon Kamid ah Odayaasha Cadaado ka keenay Xasan Daahir la dilo iyadoon arintan dad badan ay su’aalo iska weyndiinayaan .

Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya wali arinta kama aysan hadlin , sidoo kalana ma jirto cid ila iminka sheegatay dilka nabadoonka.

Halkaan ka dhageyo Codka ehelka odayga la dilay

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com