Xog: Rooble oo wada qorshe doorashada 38 kursi oo dheeri ah lagu keenayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheyneysa in Muqdisho loo soo wareejiyo doorashada golaha shacabka ee magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal uu ra’iisul wasaaraha uu madaxweyne Farmaajo ugu gacan gelinayo maamulka kuraas dheeri ah oo ka tirsan baarlamanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey si dadban ugu maamulayey kuraasta taalla Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo ay madax ka yihiin laba nin oo ka mid ah xulafadiisa, wuxuuna goor hore xaqiijiyey in kuraas dhowr ah loo boobay xubno uu wato. 

Magaalada Beldweyne ayaa waxaa la qorsheeyey in lagu doorto 22 kursi oo ka mid ah golaha shacabka, halka Garbahaarey loo qorsheeyey 16 kursi.

Hase yeeshee, in doorasho lagu qabto labadan magaalo ayaa waxaa hortaagan caqabad xooggan, maadaama labada madaxweyne ee Jubaland iyo HirShabelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudaalwe ay diidan yihiin qabaa’ilka dega labadaas magaalo.

Dadka degan labada magaalo ma diidana in doorasho lagu qabto, hase yeeshee labada madaxweyne goboleed ayaan heli karin awood buuxda oo ay ku maamulaan doorashada halkaas, sidaas darteedna guddiyada doorashada oo ay magacaabeen ayaan diyaar u aheyn inay halkaas tagaan kuna qabtaan doorasho. 

Ayada oo arrintaas qiil laga dhigayo, ayaa Rooble iyo guddiga doorashada heer federal waxay qorsheynayaan inay ku dhowaaqaan inaan halkaas lagu qabin karin doorasho.

Balse arrintan yaabka leh ayaa ah; in intii doorashada loo wareejin lahaa caasimad goboleedyada labada maamul ee Kismaayo iyo Jowhar, in Rooble iyo guddiga doorashada ay qorsheynayaan in la keeno Muqdisho, taasi oo si toos ah maamulka doorashada ugu gacan gelineysa Vill Somalia.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta Rooble uusan u dooneyn in doorashada la geeyo Kismaayo ay tahay in Farmaajo uu weyn doono maamulka 16-ka kursi ee Garbahaarey. Balse ma cadda sababta uu tan Beledweyne u dooneyn in la geeyo Jowhar, maadaama Farmaajo iyo Cali Guudlaawe aysan isku xumeyn.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Xawaadle ayaa diidan qorshaha Rooble, waxayna ku adkeysanayaan iney doorashadu ka dhacdo magaalada Beledweyne, oo aysan wax dhib ah ka jirin. Waxaa sidaas oo kale qaba siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Mareexaan.

Qorshaha Rooble iyo guddiga doorashada ayaa wajahaya hal caqabad oo ah beesha caalamka, maadaama uu ka horimanayo heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 27-ka May 2021 ee doorashada.

Waxaa hadda socda qorshe lagu cadaadinayo beesha caalamka inay arrintan aqbasho, balse ma cadda inay ogolaan doonto.

Beesha caalamka ayaa horey walaac uga muujisay boobka doorashada ee ka socda qaar ka mid ah caasimad goboleedyada, oo lagu eedeeyey Villa Somalia, waxaana in kuraas kale loo gacan geliyo madaxtooyada ay u muuqataa mid aan la aqbali karin.

Rooble ayaa Axaddii kulan la yeeshay xubnaha Midowga Murashaxiinta oo saluugsan qaabka doorashada golaha shacabka ay u socoto iyo boobka lagu hayo kuraasta, balse sida muuqata Rooble wuxuu 100% isku dhiibay Farmaajo, wayna adag tahay in dib loo soo celiyo.