Musharaxiintii ugu badnaa oo ‘lacag laga dhacay’ kadibna la boobay kuraastooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay bilaabatay qabashada doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya waxaa soo kordhacaya cabashada xoogan ee kasoo yeereysa xubnaha musharixiinta xil doonka ee u tartamaya kuraasta baarlamaanka 11-aad ee dalka

Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka muddo xileedkiisa uu dhammaaday, isla-markaana haatan isku soo sharaxay kursiga uu ku fadhiyey ayaa shaaca ka qaaday in la boobay kursigiisa oo uu sheegay in qoondo haween la dhigay, kadibna loona diiday inuu tartamo, sida uu hadalka u dhigay.

Dhaqtar ayaa sidoo kale tilmaamay in isaga iyo musharixiin kale oo dhowr labaatan ah in laga dhacay lacago fara badan, loona diiday shahadaada, si ay u tartamaan.

Guddiyada doorashooyinka ayuu ku eedeeyey inay u shaqeynayaan dad gaar ah oo ku xiran Villa Soomaaliya, isla-markaana cadaalad darro ku sameynayaan doorashooyinka.

“Lacago ayaa naga maqan aniga kaligey ma’ahan inta lacagta ay ka maqan tahay waa dhowr iyo labaatan qof oo inta ay lacagtooda shubteen aan haba yaraatee shahaado lasiinin,” ayuu yiri Xildhibaan Idirs Cabdi Dhaqtar oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray  “Maray waxaan leeyahay arrintan waxaan u soo bandhigayaa  aniga oo dhibaato wadanin wadanka oo hadda xaaladdiisa aad ogtihiin, abaaro ay ka jiraan, xoolihii ay dhammaanayaan, dadkii ay dhammaanayaan ayaa waxaa waaye dadkii awood loo isticmaalooyaa,”.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, isaga oo ka dalbaday inuu kala diro xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isaga oo shaaciyey inay gabeen waajibaadkii shaqo ee loo igmaday.

“Waxaan u sheegayaa ra’iisul wasaarihii loo igmaday arrintan oo doorashooyinka si cadaalad ah u qabto ay aheyd waa inuu guddiyadan kala diraa,” ayii markale yiri Dhaqtar.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay qaylo dhaan kasoo yeereysay doorashooyinka lagu qabtay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ee maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo la sheegay in kuraas lagu boobay.