Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ka wareedyo ka howlgala Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaruhu uu ku wajahan yahya magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.
Safarka Ra’isul wasaare Cumar ayaa la xiriira tabashada Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Carada uu ka qaaday Natiijadii kasoo baxday Shirka Wadatashiga aayaha Somalia ee kusoo xirmay magaalada Muqdisho.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa lagu wadaa in socdaalkiisa ay ku wehlin doonaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Puntland kuwaasi oo la sheegay in xalka ay qeyb ka noqon doonaan, sida ay xogtu tibaaxeyso.
Cumar C/rashiid ayaa waxa uu halkaasi kula kulmi doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas si ay uga wada hadlaan tabashadiisa iyo in Gaas uu dhankiisa ka raaco maamulada kale ee qaatay go’aanka shirka.
Sidoo kale, Wafdiga Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa kamid noqon doona Xubno ka tirsan Beesha Caalamka kuwooda gacanta ku haya tallada Somalia waxa uuna Ujeedkoodu yahay inay ku biiraan wada-xaajootka lagula jiro C/wali Gaas.
Arrintaani ayaa imaaneysa xili Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu caro uga dhoofay magaalada Muqdisho isaga oo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]