Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar is miidaamin ah ayaa waxaa lagu qaaday Madaxtooyada Cadan xili uu halkaasi degnaa Madaxweynaha dalkaasi Yemen Cabi Rabi.
Weerarkaasi ayaa waxaa fulintiisu lahaa Maleeshiyaadka Daacish, waxaana la sheegayaa in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 8-ruux kuwaasi oo goobta ka dhawaa.
Qaraxan oo ka dhacay bar kontrool oo ku yaalla iridka Madaxtooyada ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Daacish.
Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyey waxa uuna Qaraxaasi galaaftay Askar badan oo ka howlgasha madaxtooyada.