Xog: Yaa sababay kala jabka A/Madobe & Gaas?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa kala jabkii ku dhacay Madaxweyne Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland oo ku kala qeybsamay Natiijadii laga soo saaray shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

Shirkaani oo inbadan jahwareer ku riday Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa ugu danbeyntii guusha ay usoo weecatay dhanka DFS, iyadoona ay hadal heynta ka taagan dhanka Xarunta Villa Somalia ay tahay in kala jabinta Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas uu lahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa kala jabinta Jubbaland iyo Puntland ay ku qaadatay muddo labada maalin ah, waxaana lasoo warinayaa in qababka loo adeegsaday kala jabintaasi ay qeyb ka tahay bixinta dhaqaale iyo xilal hor leh oo la kala saxiixday, taasi oo dhiirigalin galisay Axmed Madoobe.

Mudadii uu Cumar C/rashiid ku howlanaa kala irdheynta labadaasi mas’uul Xassan Sheekh waxa uu ahaa mid banaanjoog ka ahaa kulamadii socday, balse Xassan Sheekh waxa uu ahaa mid adeega labadaasi shaqsi u marinaayay dhanka Ra’isul wasaaraha oo ay isku dhow yihiin Siyaasad ahaan.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in waxyaabaha fududeeyay kala jabka Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ay soo dadajisay ballanqaad Xilal oo Axmed Madoobe loo siin doono xubno oo uu wato.

Waxaa jira ad adeeg uu wali muujinaayo Axmed Madoobe si loogu soo dadajiyo ballamihii la kala saxiixday inkastoo uu isaguba ku niyad furan yahay Heshiiskaasi dhacay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, ayaa baal dahab ah ka galay dhanka Siyaasada Xassan Sheekh, waxa uuna iminka wadaa qorshooyin kale oo qabyo u ah Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com