Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kulan aan caadi aheyn ku qaatay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed.
Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wadahadlay Arrimaha doorashooyinka iyo Heshiiskii lagu soo kala saxiixday magaalada Abu Dabai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Ra’isul wasaare Cumar waxa uu C/kariin Gulleed wax ka weydiiyay sida uu u arko Heshiiska Abu Dubai, waxa uuna dhankiisa kaga jawaabay inuu ku qanacsan yahay qodobada ay usoo meyrisay Imaaraadka.
Ra’isul wasaare Cumar waxa uu Guuleed ka dalbaday in howlaha doorashooyinka uusan dhinac ka noqon waxa uuna taa sabab uga dhigay garasho la’aanta ka taagan cida guuleysan doonta iyo cida laga guuleysan doono.
C/kariin Guuleed waxa uu iska fogeeyay wararka sheegaya inuu dhinac la yahay Madaxweynaha xilka sii haya, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inuu adeecsan yahay heshiiskii Abu Dubai.
Heshiiska Abu Dabai ayaa waxaa kamid ahaa in la taageero laba Musharax oo ay wadato Imaaraadka Carabta.
Docda kale, Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ayaa soo dhaweeyay jilicsanaanta C/kariin Guuleed oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha xilka sii haya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

