Xog: Sababta 3-cisho loo haystay meydka askarigii lagu toogtay BOORAMA

Boorama (Caasimada Online) – Waxa shalay la aasay Askarigii dhowaan lagu dilay deegaanka Abu-qays ee duleedka magaalada Boorama, kadib wada-hadal dheer, iyadoona Aas qaran loogu sameeyay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Marxuumka oo lagu magacaabi jirey Axmed Ibraahim ayaa ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Somaliland ee gobolka Awdal, kaasi oo koox hubeysan ay ku toogteen deegaan uu ka socday Mashruuca Biyo balaadhinta Boorama.

Meydka Askariga ayaa muddo Saddex cisho ah la diidanaa in la aaso, kaasi oo si adag uga hor-timid beesha uu ka soo jeedo in la aaso, iyadoo aan la soo qaban Dableydii dilka u geystay.

Sida ay Caasimada Online ogaatay Maamulka gobolka Awdal iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, ayaa Beesha uu ka soo jeedo Marxuumka ku qanciyey in loo qisaasi doono cidii dilkaasi ka dambeysay, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan Dableydaasi.

Kulamo magaalada Boorama uga socday dhowrkii maalin ee u dambeeyay Beesha uu ka soo jeedo Askarigaasi la dilay iyo Wafdi ka socda Hargeysa oo ay ku wehlinayaan Maamulka gobolka Awdal, ayaa xal looga gaaray xiisad ka dhalatay dilkaas.

Odayaasha iyo Ehelka Marxuumka ayaa ugu dambeyntii ku qancay in la aaso Meydka marxuumka oo muddo Saddex cisho ah ay hor-taagnaayeen in la aaso, kadib Markii xukuumada Muuse Biixi ay Wafdi ka socda Hargeysa usoo dirtay Beesha.

Shalay ayaa magaalada Boorama lagu aasay Marxuum Axmed Ibraahim AUN, kaasi oo ay Aaskiisa ka qeyb galeen Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka tirsan degmada & gobolka Awdal, kuwaasi oo si wada-jir uga tacsiyadeeyay ehelkiisa, iyagoona hoosta ka xariiqay in gacan ku dhiiglayaasha cadaalada la marsiin doono.