Xog: Sababta rasmiga ah ee ATMIS ay u xirtay XALANE

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa go’aanka uu Howlgalka ATMIS xayiraadda ugu soo rogay xerada Xalane 10-ka illaa 16-ka bishan April.

Qoraal uu howlgalka ATMIS u diray safaaradaha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in xanibaaddan ay joojin doonto dhammaan shaqooyinkii dhismaha ee ka socday xarunta, la xiri doono dukaamada iyo goobaha ganacsi ee Soomaalida iyo kuwa ajaaniibta goobaha lagu dhaqo baabuurta iyo maqaayadaha. 

Qoraalka ATMIS ayaa shaki badan abuuray, ayada oo loo qaatay qorshe lagu fashilinayo dhaarinta xildhibaanada cusub oo qorshuhu yahay in lagu dhaariyo Teendhada Afisyoone oo ka tirsan Xalane 14-ka bisha April.

Si kastaba, xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xayiraadda lagu soo rogay Xalane aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhaarinta xildhibaanada, islamarkaana sida loo qorsheeyey ay u dhici doonto 14-ka bishan oo ku beegan Khamiista.

Ujeedka ATMIS ay xayiraadda usoo rogtay ayaa, sida aan xog ku heshay Caasimada Online, qeyb ka ah in si weyn loo sugo amniga xarunta, ayada oo laga cabsi qabo in kooxda Al-Shabaab ay weerar la beegsan karo munaasabadda dhaarinta.

Al-Shababa ayaa weerar dhimasho leh ku qaaday Xalane laba toddobaad kahor, halkaasi oo ay ku dishay lix qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen ajaaniib, halka qofka kalena uu ahaa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa looga wada-hadlay doorashada Golaha Shacabka oo heer gebo-gebo ah mareysa iyo u diyaar garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee la qorsheeyay 14-ka bishan April.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in sidiisa loo dhaqan-geliyo jadwalka dhaarinta xildhibaanada oo uu hore u soo saaray guddiga FEIT, kaasi oo fulistiisu inaga xigto afar maalmood.